Gudninka fircooniga

image

Gudninka fircooniga

Female Genital Mutilation is a public health problem. We should prevent it and work towards abolishing it.

Gudninka fircooniga ah (FGM) Waa ficil dhaqameed halis ah kaas oo ku lug leh Jarista ama Goynta Qaybta iyadoo la jarjarayo walibana la tolayo qaybta hore ee dibada ee xubinta tarka. Waxa sida caadiga ah laga helaa in ay sameeyan koox dhaqmeed amaba beelo dhaqmeed kuwaas oo leh qaab dhismeed bulsho. Sababaha oo loo sameeyo waa mid adag marka laga eegayo asaliyan halka uu kasoo jeedo. bulshooyinka qaarkood waxa ay u aaminsan yihin in ay tahay wajibaad diiniya.  Halka qaarna ay u aminsanyihiin inuu dhaqan yahay ee uuna ahayn diini ama wajibaad.

Sidaasi darted in la sameyo Gudninka fircooniga dhaqankooda oo ay aminsanyihiin inay muhiim u tahay habdhaqanka ama qimaha uu leyahay dhaqanku iyadoo la aminsanyhay in gabdha la gudo la ilaliyay gabdhnimadedii (virginity) ilaa inta laga gadhayo wakhtiga ay guursanayso gabdha ama ay gadhayso wakhtiga  guurka . waxaa kale oo jira fikiro ay dhaqan ahaan aminsanyihiin oo odhanaya hadii gandha la gudi wayo ma helayso nin guursada si ayna walidka gabdha dhalay uu guur wayin waa in la gudaa. Taasina waa waxay ceeb ku tahay walidka gabdha dhalay iyo dhaqanka reerka,sumacada ay ku dhex lahayeen walidku tasoo kentay inuu usoo dhaqankani jilaa ilaa  jiil kale.

Mushatamaca somalidu waxay aminsanyhiin ama garanayaa guud ahaan Gudninka fircooniga ahi inuu yahay mid la xidhiidha dhaqan, halka qayb ka mida ahina ay rumaysanyihin oo ay usameyaan diiniyan. Waxaa cad oo maraga ma doonta ah inaan cadadan lagu sheegin quraanka kariimka. Sidaas awadeed, waxa jira sababo badan oo loo sameeyo gudniinka fircooniga manta kuwaas oo iskugu jiro arimo dhaqan, diineed iyo Qaar bulsho.  Marka la eego Culumaada islaamku aad ayay uga soo horjeedaadan  dhaqankan xun.marwalbana way ka hadlaan dhibatadiisa iyo awaaqib xumada ka timaada Gudninka fircooniga ah.

Dhibaatda ka imaan karta Gudninka

Gudninka fircooniga ah khaasatan hadii lagu sameyo meelo ka baxsan magalada oo an lahayn melo cafimaad oo dadka lagu daweeyo oo an fiicnayn. Waxay kenaysaa xalad cafimaad oo khatar ah kuwaas oo ah: dhiiga bax badan, caabuq kaga dhaca xubinka taranka meshii dhawaca loga gaystay dhimasho degdega  ama waxa  ku dhacaya moral jab. Qalabaka ay isticmalayaan ama loo isticmalayo gabdhaha yaryar ee lagu sameynayo cadadan xun waa mindiyo aan nadiif ahayn waxayna sababi kartaa cabuq kasta sida kojisada,HIV iyo dhaman cudurada ama caabuqa dhiga u raaca dadka.

Waxaa kale oo ku dhacaya niyad jab ama inay ku dhacdo naxdin kadis ah inta ay kasoo ronanayso jidhdilkii loo gaystay xubinkeda taranka ee gabdha waana xubinka ugu  dareenka nugul. Waxaana fuliya hawshan qof dumar ah oo jaarka ama isku tulo yihiin ama isku reryihiin ama qaraabada ah. markay waynaad waxay  la kulmaysaa cadada ama dhiiga sunaha oo si quman uga imanaynin iyadoo xanuun badan dareemaysa xanunkaasi oo kala ah dhabarxunun, moxoga oo xanuna iyo waliba jidhxanun badan intaa waxaa sii dheer oo ay  ka baqaysaa ama la kulmaysaa walaac iyo walwal isdaba jooga sababtoo ah waxay darensantahay hadii ay guursato inayna gudan Karin ama ay xnun kala kulmayso galmada iyada iyo ninkeeda dhex mari doonta hadii hadi kasoo gudubto xaaladaha an kor kusoo xusnay

Siyaaabaha Looga Hortagi Karo Gudninka Fircooniga

Waxaan kaga hortagi karnaa inagoo siwada jir uga hortagna melwalbana oo ay bulshadeenu ku noshahay intaan ugu tagno ka wacyigalina garahaan odaydhaqameedka, suldanada, ugaasyada, gardada,aaqilada iyo dumarrka dhalinyarada ,ururdad rayidka ah hayadaha dawliga ah iyo kuwaaan dawliga ahayn  iyo dhaman inta bulshada magac iyo muuq ku dhexleh.

Dadkaa ankor xusan waxa ay qayb libax kuleyihin in la jojiyo ama la dhimo Gudninka fircooniga ah. Hadaba sidaasi darted si aynu u joojino waa inan qabanaa fagarayaal dadka dhan iskugu imanyaan oo looga hadlayo Gudninka fircooniga ah oo la dhanyaahay .intaa waxaa dheer umulusia dhaqameedkana waa in ay dawladu usamaysaa shaqo dhaanta tan si ay ujoojiyaan gumaadka hablehena.